
RH: 1500 ka mid ah 4600 shaqaalaha PostNord Danmark ayaa la filayaa inay waayaan shaqadooda.
Tani waa natiijada ka dhalatay go’aanka shirkadda dawladeed ee PostNord oo damacsan inay dhammaan joojiso qaybteeda boostada dhamaadka sanadka 2025.
Agaasimaha guud Kim Pedersen ayaa war-saxaafadeed ku sheegay:
- Dadka reer Denmark ayaa si weyn ugu wareegay adeegsiga digital-ka, taasoo keentay in boostada la diraa ay aad u yaraato. Hoos u dhacaasi waa mid sii socda, waxaana ay gaartay heer aysan suurtagal ahayn in la sii wado ganacsiga boostada, ayuu yiri.
Tan iyo sannadkii 2000, tirada boostada la dirayo waxay hoos u dhacday 90%. Kaliya hal sano oo u dhaxaysa 2023 ilaa 2024, hoos u dhacu wuxuu ahaa 30%.
Sidoo kale, PostNord waxaa laga qaaday waajibaadkii boostada kadib markii sharciga cusub ee boostada uu dhaqan galay 1-da Janaayo 2024. Horey, shirkaddu waxay haysay masuuliyadda qaadista iyo qaybin boostada iyadoo la siin jiray magdhow dowladeed. Laakiin magdhowgaasi waa la joojiyay.
Xitaa iyadoo qiimaha dirista boostada caadiga ah la gaarsiiyay 29 karoon, haddana shirkadda waxay sheegtay in aan la dabooli karin khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay joojinta magdhowgaas. Qaybta boostada ee shirkadda wali khasaare ayey ku jirtaa.
PostNord waxay filaysaa in 700 ka mid ah 2200-ka shaqaale ee ka shaqeeya boostada loo wareejiyo jagooyin kale oo ka tirsan shirkadda. Si kastaba ha ahaatee, 1500 shaqo ayaa si rasmi ah u lumin doona.
- Si aan u dhisno shirkad waarta oo faa’iido leh, waa inaan la jaanqaadnaa isbeddellada, taasoo nasiib darro nagu qasbaysa inaan macsalaameyno qaar ka mid ah shaqaalaheena, ayuu yiri Kim Pedersen.
Mustaqbalka, PostNord Denmark waxay diiradda saari doontaa kaliya qaybinta xirmooyinka (parcels). Dhanka Sweden, shirkaddu wali waxay sii wadaysaa qeybinta boostada, halka ay sidoo kale u kala dirto xirmooyin Norway iyo Finland.
PostNord waxaa si wadajir ah u leh dawladda Denmark iyo Sweden, iyadoo Sweden ay haysato 60% halka Denmark ay leedahay 40%.