
RH: Dab xooggan oo xalay ka kacay bakhaar ay yaalleen 50 ilaa 60 bas oo duugoobay oo ku yaalla gobolka Sønderjylland, Denmark, ayaa haatan booliisku baaritaan ku sameynayaan, iyagoo tuhunsan inuu yahay dab si kas ah loo shiday.
Dabka oo ka kacay magaalada Hammelev, oo u dhexeysa Vojens iyo Haderslev, ayaa la demiyay xalay saqdii dhexe. Dab-demiyayaal badan oo ka kala yimid gobollada kala duwan, diyaarado aan duuliye lahayn (drones), iyo ciidamada gurmadka deg-degga ah ayaa saacado badan ku howlanaa daminta dabkaas xoogganaa.
Sida uu sheegay Carsten Hoff, oo ah hoggaamiyaha hawlgalka dab-demiska ee Brand og Redning Sønderjylland, dabku wuxuu ahaa mid aad u xooggan markii ay halkaas gaareen.
- “Wuxuu ahaa dab aad u weyn, waxaana basaska noocan oo kale ah ku jira walxo si fudud dabka u qaadi kara, sida kuraasta iyo balaastiig badan.”
Booliisku baaritaan ayey bilaabeen
Sida uu sheegay Jacob Matthiesen, oo ah taliyaha howlgalada booliska ee gobolka Syd- og Sønderjylland, waxaa jirta tuhun muujinaya in dabkan si kas ah loo huriyey.
- “Waxaan tuhmaynaa in dabku uu yahay mid la shiday. Sidaas darteed, waxaan u baaraynaa sidii fal dambiyeed.”
Booliisku ma sheegin sababta rasmiga ah ee ay ugu tuhmayaan in dabkan si ula kac ah loo shiday. Si kastaba ha ahaatee, todobaad ka hor, isla goobtaasi waxaa ka dhacay dab kale, waxaana markaas la helay god laga jaray deyrka bakhaar weyn oo basaska lagu lagu ururiyo.
Dabka xalay kacay wuxuu sidoo kale saameeyay isu-socodka gaadiidka, sida uu sheegay taliyaha howlgalada booliska, Jacob Matthiesen:
- “Waxaa jiray qiic culus oo ku faafay waddada weyn ee motorway, balse go'aanka la gaaray wuxuu ahaa inaysan caqabad ku noqonin isu-socodka gaadiidka.”
Booliisku waxay sii wadaan baaritaankooda si loo ogaado sababta dabka iyo cidda ka dambeysay.
Warka Radio Hormuud
Waxaa diyaariyey: Mohamed-Amiin
Waxaa akhriyaya: Mohamed Kafi