Esbjerg: Labo nin ayaa la kufsaday shan bilood  gudahood: Nin 31-jir ah ayaa wajahaya xabsi sannado badan ah

RH: Waxaa maxkamad la horgeyn doonaa kiiska kufsi argagax leh oo ay la kulmeen labo nin, waxaana dacwaddan lagu dhageysan doonaa magaalada Esbjerg muddo saddex maalmood ah sanadka 2025. Ninka lagu eedeeyay ayaa wajihi kara xabsi sannado badan ah haddii lagu helo dambiga kufsiga. Sida ay booliisku sheegeen, baaritaanka kiiskan oo hadda la soo gabagabeeyay ayaa muujiyay in kufsiyadu ay ka dhaceen laba guri oo kala duwan oo ku yaal Esbjerg sannadkii hore.

Esbjerg: Lama oga cidda ay yihiin labada nin ee dhibbanayaasha ah, da'dooda, iyo xidhiidhkooda la tuhunsanaha. Laakiin waxa la og yahay in booliska iyo xeer-ilaaliyayaashu ay rumeysan yihiin in labada nin ay la kulmeen xadgudubyo galmo oo aad u xun, kuwaasoo la sheegay in ay dhaceen labo maalmood oo kala duwan sanadkii hore  2024 kii.

Dacwadda oo hadda la dhammeeyay, ayaa timid kadib markii baaritaanku soo dhamaaday. Eedeysanaha 31-jirka ah ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 2-dii Oktoobar 2024.

Eedeysanaha maxkamadda hortiisa
Wargeysku waxa uu goob joog ka ahaa fadhigii maxkamadda oo uu arkay eedeysanaha. Waa nin dheer oo ballaaran, dhererkiisuna qiyaastii waa 190 cm. Wuxuu xilligaa lahaa timo madaw oo qasan iyo gadh dheer oo madow.

Markhaatiyaal badan ayaa la filayaa
Booliska Koonfurta iyo Galbeedka Jutland( Yuuland) ayaa la weydiiyay haddii baaritaanka kiiskan ay keenikarto in kiisyo kale la furo. Waxay sheegeen in aysan taasi dhicin. Weli lama oga sida kiisku ugu dhacay gacanta booliska, mana cadda haddii labada kufsi ay xiriir leeyihiin.

Hase ahaatee, dacwadda waa la qorsheeyey waxaana la go'aamin doonaa maalmaha 26-ka Maarso, 1-da Abriil, iyo 3-da Abriil.sannadkan 2025 ka.
Eedeysanaha waxa uu heli doonaa fursad uu ku difaaco naftiisa, haddii uu rabo. Sharcigu se ma qasbayo inuu hadlo. Intii lagu jiray maxkamaddii hore, eedeysanaha wuu beeniyay eedeymaha, ka dibna maxkamadda albaabada ayaa la isugu dhuftay, saxaafaddana waa laga saaray hoolka maxkamadda.

Xeer-ilaaliye Jannick Frederiksen ayaa sheegay in maalmaha ugu horreeya maxkamadda ay markhaatiyadu bixin doonaan caddeymo, iyadoo ay goobta iman doonaan eedeysanaha iyo dhibbanayaashu. Waxaa la filayaa in goobjoogeyaal kale la yeero haddii loo baahdo.
Waxaa la qorsheynayaa in la codsado in maxkamaddu xiran tahay marka dhibbanayaashu hadlayaan. Dacwadda waxay sidoo kale  kamid noqondoota soo jeedinta xeer ilaaliyaha oo ah  musaafurinta eedeysanaha ( tan ayaa xaqiijinaysa in uu eedaysanuhu yahay nin ajanabi ah)

Ciqaabta suurtogalka ah
Qodobka 216 ee sharciga: “Kufsiga waxa lagu muteysan karaa xabsi ilaa 8 sano qof kasta oo galmo la sameeya qof aan ogolaansho bixin. Sidoo kale waxa la ciqaabi karaa qofka sida jirdil marka uu falka sameynayo.”
Eedeysanaha waxaa kale oo lagu soo eedeeyay jir-dil, xarig aan sharci ahayn, iyo kufsi ka duwan galmada caadiga ah.

Waxay u muuqataa in aan la dooneyn in la dalbado xabsi ka badan lix sano, sababtoo ah haddii sidaasi loo baahdo, dacwadda waxay noqon lahayd mid ay go'aan ka gaaraan xeerbeegti gaar ah.

Xigasho:  JV iyo bogga Danskelove.dk ( sharciga Denmark)

 

Category