Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in magaalada Addis Ababa uu kula kulmo ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Kulankan ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono dib u soo celinta xiriirka dalalka deriska ah.
Labada hoggaamiye ayaa kulankooda Addis Ababan waxa ay ka hadli doonaan arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin dhaqan galidda heshiiskii Ankara iyo doorka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta ee cusub ee Soomaaliya.
Labada hoggaamiye waxa kale oo kulankooda uga hadli doonaan xoojinta iskaashiga ku aaddan xasilloonida gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, iyo toosinta siyaasadda.
Waa booqashadii ugu horraysay oo Xasan Sheekh uu ku tego Addis Ababa taniyo 17-kii Febraayo 2023, xilligaasoo uu ka qeyb galay shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.
Booqashadaas Xasan Sheekh uu ku tegay Addis Ababa ayaa la sheegay in ay hareysay eedo kadib makrii ciidamada ammaanka Itoobiya ay isku dayeen in ay xaddidaan dhaq-dhaqaaqa madaxweynaha, taasoo ku qasabtay inuu raaco kolonyada uu la socday madaxweynaha Jabuuti si uu uga baxo hoteelkiisa.
Labada dal ku yaalla Geeska Afrika ayaa xiisadooda cirka isku shareertay kadib markii markii ay Itoobiya bishii January heshiis la gashay Somaliland, heshiiskaas oo ku saabsanaa in laga kireeyo dekad iyo saldhig milatari oo Itoobiya leedahay si ay aqoonsi diblomaasiyadeed u siiso Somaliland.
Khilaafka labada wadan ayaa hadda u muuqda mid qaboobay kadib markii la soo saaray Baaqii Ankara ee Turkiga uu garwadeenka ka ahaa kaasoo soo baxay bishii Diseembar 2024, kaasoo door muhiim ah ka qaatay qaboojinta xiisadaha.
Heshiisku waxa uu dib u xaqiijiyay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya halka Itoobiya ay shuruud ku xirtay inay hesho dekedaha Soomaaliya, iyadoo la isku miisaamo danaha dhaqaale ee Itoobiya iyo walaaca madax-banaanida Soomaaliya.
Labada dal ayaa horrey tan iyo markii uu soo baxay baaqii Ankara u soo kala diray wafuud tegay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho.
Booqashada Xasan Sheekh uu maanta ku tegayo Addis Ababa ayaa hoosta ka xariiqaysa muhiimadda ay leedahay in wax laga qabto arrimaha aan weli la xallin, iyadoo la doonayo in la xoojiyo xiriirka labada dal.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia