Urur lacag ururiyay si loo caawiyo dadka Gaza balse lacagtii u isticmaalay dugsi kuyaal Denmark

RH: Ururka samafalka ee Care for Others oo fadhigiisu yahay Denmark ayaa ururiyay 17 milyan oo korono si loogu kaalmeeyo dadka dhibaateysan ee dunida, gaar ahaan Gaza, Yemen, iyo Suuriya. Laakiin warbixinaha maaliyadeed ayaa muujinaya in 782,000 oo ka mid ah lacagahaas lagu taageeray dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaal Copenhagen, Iværksætter-Akademiet for Børn og Unge.

Hay’adda maamulka deeqaha (Indsamlingsnævnet) ayaa dhowr jeer uga digtay ururka in lacagaha la ururiyay aan lagu bixin karin dugsiga, balse Care for Others waxay sheegtay in ay ku bixisay "si daacad ah" maadaama ay u arkeen in waxbarashadu tahay qayb ka mid ah horumarinta bulshada.

Khabiir dhinaca xisaabaadka ah ayaa sheegay in tabaruceyaashu "dareemi karaan in la khiyaameeyay," maadaama aan loo adeegsan sidii la ballanqaaday. Ururka ayaa qirtay khaladkiisa, wuxuuna sheegay in hadda uusan wax xiriir ah la lahayn dugsiga.

Category